Ereyga Maanta: tefiir
baarramid  eeg baarran². ld baarran¹.
baarran1  1. Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah lagu cabbirayo; hadal; afeef. 2. ld baarramid. baarran2  La b.: cid hadal la yeelasho. baarri  1. Qof waalidkii iyo Eebbaha u dhegannugul. 2. Qof dabeecad wanaagsan.
baarrimasho  eeg baarrimo.
baarrimo  Afeefasho.
baarrinnimo  Baarri ahaansho.
baarrog  Hab geelu u ordo oo uu hadba addin iyo lug is xiga isku mar qaada.
baarroho  Dhiil yar oo loogu talaggalay in lagu shubo caanaha dhayda ah ee la rabo in ay fadhi noqdaan.
baarug  1. Badar, bariis iwm oo la kariyay tarmid. 2. Badeeco iwm baarid.
baarugid  eeg baarug.
baaruud  Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.
baaryid  ld baariyid.
baaryoomid  eeg baaryoon.
baaryoon  Markab ama doon dekad ka furasho, ka goosasho.
baas1  1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda. baas2  Imtixaan gudbid. Tus. “Cali, imtixaankii wuu baasay”. baasaboor  Dokumeenti sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala gudbo; dalkumar. ld baasaboorto.
baasaboorto  ld baasaboor.
baasarac  ld baasarce.
baasarce  Nooc ka mid ah bariiska oo leh dhuux guduudan oo macaan. ld baasarac.
baasaysad  ld baasaysasho.
baasaysasho  eeg baasayso. ld baasaysad, baasaysi.
baasaysi  ld baasaysasho.
baasayso  Wax inay shar leeyihiin aaminid.
baash  ld baashi.
baashaal1  1. Sheeko, ciyaar iwm oo waqti isku dhaafin. 2. ld baashaalid. baashaal2  Sheeko, ciyaar iwm. waqti ku dhaafin. baashaali  Qof kale sheeko, ciyaar iyo waqti ku dhaafin.
baashaalid  eeg baashaal². ld baashaal¹ (2).
page : 10 of 108
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>