Ereyga Maanta: fullaacsan
maalig  Mulkiile.
maaliki1  (dii.) Qofka mad'habta maalikiyada haysta; maalikiyadu waxay ka midtahay afarta mad'habood oo waa weyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Maalik (715-795 M.). maaliki2  (dii.) Afarta mad-habood oo waaweyn ee diinta Islaanka mid ka mid ah. maalin1  Muddada u dhaxaysa marka qorraxdu soo baxdo ilaa ay dhacdo (12 saac). maalin2  eeg maali. ld maalis¹. maalin dayaxeed  (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
maalin firfircoone  Waxaa lagu sharxa noolayaasha aad u firfircoon maalintii. Tus. “Noolayaashaasi cuntadooda waxay raadsadaan maalintii”.
maalin-qorraxeed  (c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.
maalindhaaf  Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iwm oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo
maalingaal1  1. Hawl maalin dhan socoto oo aan kala go' lahayn. 2. ld maalingaalid. maalingaal2  Hawl maalin dhan wadid iyada oo aan la kala goyn. maalingaalid  eeg maalingaal². ld maalingaal¹ (2).
maalingoosad  Qof shaqaale ah oo la siyo maalin walba waxa uu goosto. ld maalingoosato.
maalingoosato  ld maalingoosad.
maalinjoog1  1. Xoolo maalin dhan ceel jooga. 2. ld maalinjoogid. Booqasho hal maalin ah. maalinjoog2  Booqashada hal maalin ah cid ugu tegid. maalinjoogid   eeg maalinjoog². ld maalinjoog¹ (2).
maalinnimo  1. Inta qorraxdu soo jeeddo. 2. (fk) Isla maalinta.
maalinqad  Qadidda xooluhu maalin kaliya biyo ka qadaan.
maalinsocod  1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.
maalis1  ld maalin². maalis2  1. Weel biyood ama caanood. 2. ld maalid. maaliyad  Hanti.
maalmadoone  Bisha afaraad ee bilo-dayaxeedka sanadka soomaaliga.
Maalmo  Wax ka badan hal maalin. ld Maalmooyin.
Maalmooyin  eeg Maalmo.
maalnaan  eeg maalan. ld maalni.
maalni  ld maalnaan.
maalniin  ld maalid.
maalooti  1. ld magallooti (3) Si daran wax u laaya (bahal ama geesi); aan biqin; dhiigyacab. 2. M. ah: qof waxmatara ah.
page : 4 of 131
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>