Ereyga Maanta: maneysi
caadyaalnimo  Caadyaal ahaansho (Ilaahay).
caafi  Cid caafimaad siin (Eebbe).
caafimaad1  Cudur iyo jirro la'aan. caafimaad2  Cudur, jirro iwm ka bogsasho. caafimaad-beeleed  (daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.
caafimaaddarro  Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
caafimaadi  Nafley caafimaad siin (Ilaah).
caafimaadid  eeg caafimaad².
caafimaadin  eeg caafimaadi.
caafimaadqab1  Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid. caafimaadqab2  Xaalad cafimaad ku sugnaan. caafimaadqabid  eeg caafimaadqab². ld caafimaadqab¹.
caafimaadsan  Wax caafimaad leh ahaansho.
caafimaadsanaan  eeg caafimaadsan. ld caafimaadsanaansho.
caafimaadsanaansho  ld caafimaad-sanaan.
caafin  eeg caafi. ld caafis.
caafis  ld caafin.
caafiyad  Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. ld caafiyo.
caafiyo  ld caafiyad.
caag1  1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh. caag2  Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey. caag3  Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'id. caaggan  1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.
caagganaan  eeg caaggan. ld caagga-naansho.
caagganaansho  ld caagganaan.
caagid  eeg caag³.
caaji  Qof in uu wax ka caago gayeysiin.
caajin  eeg caaji.
caajis1  1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. caajis2  Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis².
page : 3 of 95
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>