Ereyga Maanta: tefiir
dabaggelid  eeg dabaggal². ld dabaggal¹ (2).
dabaggelin  eeg dabaggeli.
dabaggelis  Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin.
dabaggelisayn  eeg dabaggelisee.
dabaggelisee  Neef xoolo ah oo la rarayo dabaggelis u yeelid.
dabaggeyn  eeg dabaggee.
dabaggibin  Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
dabaggorayee  Heeryo dabaggoryo u samayn.
dabaggorayeyn  eeg dabaggorayee.
dabaggorayo  Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
dabaggur1  Faraxumayn naag hurudda lagu sameeyo. ld dabaggurid. dabaggur2  1. Qof dumar ah oo hurdaysa si tartiib ah marada uga qaadid si looga macsiyaysto. 2. Cad yar oo maro ah oo surwaal iwm gadaal looga kabo meel faddhacday. dabaggurid  eeg dabaggur². ld dabaggur¹.
dabajoog1  1. Dabasocod; dabaggal. 2. ld dabajoogid. dabajoog2  Qof, xoolo iwm gadaashooda socosho. dabajoogid  eeg dabajoog². ld dabajoog¹ (2).
dabakafur  Nooc banaatiikhdii hore ka mid ah. ld dabafur¹ (1).
dabakafuul  Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iwm ee baabuurka.
dabakakiil1  Haad uu nin kiishay oo labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay ay isu celiyaan (ciyaar turub). dabakakiil2  Nin haad uu kiishay, labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay isla haadkii isu soo celin. dabakakiilad  ld dabakakiilasho.
dabakakiilasho  eeg dabakakiilo. ld dabakakiilad.
dabakakiilid  eeg dabakakiil².
dabakakiilo  Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
dabakannaax  Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. ld dibkannaax.
dabakannaaxid  Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. ld dibkannaaxid.
dabakar1  1. Geedgaab leh laamo dhuudhuuban, tootoosan oo la laga dhigto. 2. Cad maro ah. dabakar2  Maro, cad maro kale ah ku tolid. dabakarid  eeg dabakar².
dabakarruub  Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.
page : 15 of 218
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>