Ereyga Maanta: tefiir
daayeer  (daayeer/-rro, m.dh) Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer.
daayeerad  Dheddiga daayeerka; saayo. ld daanyeerad.
daayicid  ld dayicid.
daayimi  ld daa'imi.
daayimid  ld daa'imid.
daayimin  ld daa'imin.
daayimis  ld daa'imin.
daayin1  ld daa'in¹. daayin2  ld daa'in². dab1  1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb. dab2  Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin. dab3  1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn. daba-aal  Wax wax kale gadaashiisa aallid.
daba-aallid  eeg daba-aal.
daba-imow  Ka d.: qof, xoolo iwm gadaal ka soo gaarid.
daba-ka-eri  Nooc ciyaarta turubka ka mid ah oo lagu ciyaaro afar turub oo isku jira, oo ay ciyaarto afar qof oo ay lababa isku jaal tahay.
daba-ordid  eeg daba-orod.
daba-orod  Qof raacdayn.
dabaadi  1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tus. “Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.
dabaakh1  Tartamidda cayaar turub oo labada dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, inay qolo kaliya ku wareegto. ld dabaaq¹, dibaakh¹. dabaakh2  Fooro wareejin ku tartamid (cayaar turub). ld dabaaq², dibaakh². dabaakhad  1. ld dabaakh¹. 2. Calaamad lagu dhigo neef iib u jooga. ld dabaaqad.
dabaakhid  eeg dabaakh². ld dabaaqid, dibaakhid.
dabaal  Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².
dabaalad  ld dabaalasho.
dabaalasho  eeg dabaalo. ld dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
dabaali  Wax biyo dabaal kaga gudbin. ld dabaalsii, dabbaali, dabbaalsii.
dabaalin  eeg dabaali. ld dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis.
dabaaljoog  Nooc dabaasha ka mid ah oo qofka dabaalanaya la moodo inuu taaganyahay. ld dabaajoogle, dabaaljoogto, dabbaaljoog.
dabaaljoogle  ld dabaaljoog.
page : 12 of 218
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>