Ereyga Maanta: hiilley
kurtun  1. Qori ama jirrid geed oo gaaban oo dhulka ku aasan oo afkiisu soo taaganyahay. 2. Laan la gooyey oo intii hartay ay geedka ka soo taagantahay. ld kurtin.
kurus  Cad baruur ah oo weyn oo geela dhabarkiisa ka baxa.
Kuruweshiya  Kuruweshiya (hr: Hrvatska, Af-Ingiriis: Croatia) waa wadan ku yaalo bartamaha iyo koonfurta bari ee qaarada Yurub. Caasimadiisuna waa Zagreb.
kuryeysan  Wax qaab kankoonsan leh ahaansho.
kuryeysnaan  eeg kuryeysan. ld kuryeysnaansho.
kuryeysnaansho  ld kuryeysnaan.
kuryo  1. Qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan. 2. Huryo. 3. Madaxa inta luqunta ka sarreysa.
kuryoxoogle  Wiil kuray ah oo aan qaangaarin.
kush  Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.
kushad  eeg kusho.
kusheeg  Is k.: qof isuqabe ah ama sheegte ah.
kushiin  Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
kusho  Kul iyo caro iska dareemid; xanaaqid; dhiidhiyid.
kusime  Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.
kusimid  eeg kusin.
kusin  1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.
kutaan  Dhiqle. ld tukhaan.
kutiri-kuteen  K. ah: war aan xaqiiqadiisa la hayn oo la sheegsheego.
kutirsane  (c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xis.) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.
kutub  ld kitaab.
kuud  1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.
kuudud1  1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. ld kuududid. kuudud2  Si foolxun u fadhiyid. ld kawdiid². kuududi  Si foolxun u fariisin. ld kawdiidi.
kuududid  eeg kuudud². ld kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
kuududin  eeg kuududi. ld kawdiidin.
kuududiye  ld kuududshe.
kuududshe  Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. ld kuududiye.
kuug  1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.
kuuki  Bocoosha badda qaarkeed oo midabyo badan leh. ld kuukiyaan.
page : 70 of 73
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >