Ereyga Maanta: nadalo
kulmid  eeg kulan².
kulmin  eeg kulmi. ld kulmis¹.
kulmis1  ld kulmin. kulmis2  (xis.) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe. kulqaad  (fiis.) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).
kulqaad-gaar  (fiis.) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
kulqaate  (fiis.) Dariiqo tilmaamaysa nuugidda kulka ee hab ama walax ku jirta falgalid (waxa kale oo lagu sharxi karaa kulka bannaanka uga baxa walax, ama hoos-u-dhaca heerkulka).
kulsamays  (fiis.) Tamarta la sii daayo ama la nuugo marka hal mooloo iskudhis ahi ka samaysmo curiyayaasha uu ka koobanyahay.
kulul  1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho.
kululaan  eeg kulul. ld kululaansho.
kululaansho  ld kululaan.
kululayn  ld kulaylin.
kululee  ld kulayli.
kulxidhan  (fiis.) Isbeddellada ku dhaca neef xagga cadaadiska iyo heerkulka, marka aan la kordhin amase aan la dhimin kulka neefta.
kuma  (kuwama. w) Magacuyaale weyddiimeed oo lab oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.
kumaad  Derajada sagaal boqol sagaashan iyo sagaal ka hooseyso.
kumaankun  Tiro ka kooban dhowr kun oo la isu geeyay; tiro aad u badan oo aan go'nayn.
kumanaal  eeg kun.
kumanyaal  eeg kun.
kumbi  1. Hilib jiir ah dufan ku shiilid. 2. ld yumbi.
kumbin  eeg kumbi. ld yumbin. ld kumbis (3).
kumbis  1. Hilib jiir ah oo laga dhigo cadad bagbagafsanoo subag lagu shiilo, kaydna gala. 2. Hog daawo ku jirta oo xoolaha cadhada qaba la geliyo si loogu daaweeyo; jarcays. 3. ld kumbin.
kumi  ld kuumi.
kummeelgaar  1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.
kumulas  (c.cimi.) Daruur u kobacsan si joog maangal, inkasta oo ay ka yartahay kumuloonombaas.
kumuloonimbas  (c.cimi.) Daruur culus oo madaw oo qaradeedu tahay, 4.500, mitir ama in ka badan. Badanaa waxay u fidsantahay si heebhaab ah oo u eg ubbad.
kumus  Hilib gumaarka fuula oo ay haweenka qaarkood leeyihiin.
kun  Tiro ka kooban toban meelood oo min boqol ah; toban boqolaad; “1000”.
kur1  Madax; unuun. kur2  1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.
page : 68 of 73
<< < 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >