Ereyga Maanta: nadalo
kuurkuursi  ld kuurkuursasho.
kuurkuurso  Iyadoo la fadhiyo dhaqdhaqaaqid ama nuuxnuuxsasho.
kuus1  1. Wax buuran ama qaab kankoonsan leh. 2. K. lacag ah: lacag badan oo wax qiimo leh goysa. kuus2  Wax badan meel yar isugu keenid. kuusad  Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
kuusan1  1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. kuusan2  1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. kuusid  eeg kuus².
kuusin  Mayrax iwm oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
kuuskuus  Dhoobo iwm dhawr waxyaabood oo qaabab kankoonsan leh ka sameyn.
kuuskuusid  eeg kuuskuus.
kuusmid  eeg kuusan¹.
kuusnaan  eeg kuusan². ld kuusnaansho, kuusni.
kuusnaansho  ld kuusnaan.
kuusni  ld kuusnaan.
kuuti  Si aayar ah u socosho.
kuutin  eeg kuuti. ld kuutis.
kuutis  ld kuutin.
kuutiyad  Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.
kuwa  eeg ka¹.
kuwaa  ld kuwaas.
kuwaaga  eeg kaaga 1 / taada¹.
kuwaantam  (fiis.) Qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantum.
kuwaartsayd  (jool.) Dhadhaabo aad u kakan oo ka kooban kuwaarts (badan 90% ma ka) waxayna ka samaysantaa dhagax bataax; kuwaartsaydku daldaloolo ma laha sida dhagax bataax.
kuwaas  eeg kaas¹. ld kuwaa.
kuwaatis  (jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.
kuwama  eeg kuma, tuma¹.
kuwan  eeg kan¹.
kuwayaga  eeg kaayaga 1 / taayada¹.
kuwayga  eeg kayga 1 / tayda 1.
page : 72 of 73
<< < 67 68 69 70 71 72 73 >