Ereyga Maanta: nadalo
noolaan  eeg nool³. ld nool², noolaansho, nooli¹.
noolaansho  eeg noolow. ld noolaan.
noolayn  eeg noolee. ld noolays.
noolays  ld noolayn.
noole  Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iwm.
noole jirro-dhaliye  (baay.) Jeermi sida baktiiriyada ku dul noolaada xoolo ama geed ama qof oo cudur u keena.
noole-ure  ld nooloo-ure.
noolee  1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.
nooli  Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. ld nool.
nooli1  ld noolaan. nooli2  Cid lacag ay baabur, diyaarad ama markab ku raacdo siin. nooloo-ure  Jinac weyn; magangooye. ld noole-ure.
noolow  1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho.
noolyid  eeg nooli².
nootaayo1  Nin ka shaqaaya xafiiska nootaayada. nootaayo2  Xafiis awood loo siiyey in uu u sharciyeeyo dadweynaha waxyaabaha ay kala beddelanayaan ama dhaxalka. noqo  1. Wax jihadii uu ka yimid dib ugu laabasho. 2. Cid ama wax sidii hore si ka duwan isu rogid, dabeecado gaar ah yeelasho. 3. Ilmo yar saqiirid. 4. La n.: cid arrin iwm si gaar ah ugu muuqasho. 5. La n.: cid saaxiibnimo, qaraabanimo, ama xiriir kale la yeelasho. 6. Ku n.: hawl mar labaad dib ugu laabasho (cid).
noqod  1. Dib ugu laabashada wax meeshii ay ka yimaadeen dib ugu laabto. 2. ld noqosho.
noqosho  eeg noqo. ld noqod (2).
nud1  Meesha la iskaga xiro xarko, dun iwm. nud2  Xarko, marooyin iwm isku xirid. nuday  Nafaqada laga helo wax la quuto.
nude  (c.nafl.) Urur unugyo ah oo u habaysan inay wada qabtaan hal shaqo ama in ka badan oo u gaar ah, tusaale ahaan, nudaha dareenwadku waxay gaar u yihiin inay qabtaan gudbiyaanna nashaadinta. Organnada sida wadnaha ama kelyaha waxay ka koobanyihiin noocyo badan oo nudo kala duwan ah.
nudid  eeg nud².
nugaal1  Midab madow oo lo'da u gaar ah. nugaal2  Dhul ciid jilacsan oo boor leh. nugayl  Adkasyandarro, jileec.
nuglaan  eeg nugul². ld nuglaansho.
nuglaansho  1. eeg nuglow. 2. ld nuglaan.
nuglow  Ku n.: cid wax u dabacsan noqosho.
page : 32 of 35
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 >