Ereyga Maanta: nadalo
saaquunnimo  1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
saar1  1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye. saar2  1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid. saaran  Wax meel dhulka ka sarreysa la dhigay ahaansho.
saarasaare  Geed faalala, leh caleemo iyo laamo jiljilicsan oo dhirta kale ku saaqa.
saarasho  eeg saaro.
saardiin  Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.
saari  Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
saarid  eeg saar².
saariq  Qof wax xada; tuug.
saarnaan  eeg saaran. ld saar-naansho.
saarnaansho  ld saarnaan.
saaro  1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.
saarsaaran  Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.
saarsaarnaan  eeg saarsaaran. ld saarsaarnaansho.
saarsaarnaansho  ld saarsarnaan.
saarsasho  eeg saarso.
saarso  Xamuul dusha ku qaadasho.
saaruq  Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.
saaruukh  ld say-ruukh.
saas  Sidaas.
saatan  Sidan, sida tan.
saatir  Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
saawayn  eeg saawee. ld sawayn.
saawee  1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.
saawir1  Wax kasta oo la sharaysto. saawir2  S. ah: mindi ama bir kale oo aan wax goyn oo af-beeshay. saaxi  S. ah: qof maskaxdiisu tamaam tahay.
saaxiib1  Nin xiriir gacaltooyo qof kale la leh; wadey. saaxiib2  Naag xiriir gacaltooyo qof kale la leh; saaxiibad.
page : 7 of 118
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>