Ereyga Maanta: tefiir
saciira  Naar ka mid ah toddobada naarood.
saco  1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo'ah.
sacoobaan  Kalluun dusha ka cagaaran oo badda ku nool. ld socoobaan.
sacsac  Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareeyey.
sacsacan1  Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey noqosho. sacsacan2  Qof sirqannimo awgeed aad u caqli yareyey ahaansho. sacsacmid  eeg sacsacan¹.
sacsacnaan  eeg sacsacan². ld sacsac-naansho.
sacsacnaansho  ld sacsacnaan.
sactar  1. Geed yar, udgoon oo ubaxiisa wax lagu daaweeyo, cuntadana lagu darsado. 2. Sagxad weyn oo alaabta culus maraakiibta looga soo qaado ama loogu geeyo oo matoor jiido.
sad1  ld sed. sad2  (daaw.) Qaddar daawo ah oo si taxadar leh loo qiyaasay takhtar u qoray in markiiba bukaan. sadaado  Jiiraggo'; daal.
sadaadoo  Cid sadado dareemid.
sadacdheere  Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Afgooye oo leh sacab iyo biro layska garaaco.
sadaf  Dhulman laba qalbac ka samaysan oo badanaa badda laga helo.
sadaq  Gogol ulo yaryar, dhuudhuuban oo isku xirxiran ka samay-san.
sadaqayn  eeg sadaqee. ld sadaqays, saddaqayn, saddaqays.
sadaqays  ld sadaqayn.
sadaqaysad  ld sadaqaysasho.
sadaqaysasho  eeg sadaqayso. ld sadaqaysad, sadaqaysi.
sadaqaysi  ld sadaqaysasho.
sadaqee  Sadaqo bixin. ld saddaqee.
sadaqo  Wax Alle dartii loo baxsho. ld saddaqo.
sadar  1. Xarriiq toosan oo xaashiyaha wax lagu qoro loo yeelo. 2. Qoraal xaashi ku qoran oo hal diillin iskula yaal.
sadarraysan  Xaashi, loox iwm wax sadarro loo yeelay ahaansho.
sadarraysnaan  eeg sadarraysan. ld sadarraysnaansho.
sadarraysnaansho  ld sadarrays-naan.
sadarree  Xaashi iwm sadarro u yeelid.
sadarreyn  eeg sadarree. ld sadarreys.
page : 12 of 118
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>