Ereyga Maanta: tefiir
sumalhaadsanaan  eeg sumalhaadsan. ld sumalhaadsanaansho.
sumalhaadsanaansho  ld sumalhaad-sanaan.
sumayn  eeg sumee. ld sumays.
sumays  ld sumayn.
sumaysan  Wax la sumeeyey ahaansho.
sumaysnaan  eeg sumaysan. ld sumaysnaansho.
sumaysnaansho  ld sumaysnaan.
sumbaax  Ur udgoon oo la jeclaysto.
sumbay  1. Nooc gooryaanka ka mid ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya. 2. Wan tuman. 3. Nacas; doqon.
sumbo  Baali; areebo; basari.
sumcad  Magac iyo sharaf laga kasbado bulshada dhexdeeda.
sumcan  Wax la sumcay ahaansho (badar).
sumcanaan  eeg sumcan. ld sumca-naansho.
sumcanaansho  ld sumcanaan.
sumcasho  eeg sumco.
sumcid  eeg sumac².
sumco  Badar tumasho.
sumee  1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid.
summad1  1. Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu kala sooco. 2. Lambarrada iyo xuruufta diiwaansan ee la siiyo warqadaha xafiisyadu isu diraan. ld sumad¹. summad2  Xoolo iwm calaamad lagu kala sooco u yeelid. ld sumad². summad-caanood  Summad xoolaha dhegta looga dhigo.
summad-dooris  Sumaad neef ku taalay oo la beddelo.
sumoobid  eeg sumow².
sumow1  Sumayn. sumow2  Wax sumaysan noqosho. sun  Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.
sunnayn  eeg sunnee.
sunne  ld sunno.
sunnee  1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin.
sunni  Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
page : 109 of 118
<< < 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 > >>