Ereyga Maanta: tefiir
sunno  1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. ld sunne.
sunsumid  eeg sunsun. ld sulsulid, susumid.
sunsun  Wax badan aayar wada socosho. ld sulsul, sunsun².
suntan  Wax summad loo yeelay ahaansho.
suntanaan  eeg suntan. ld sunta-naansho.
suntanaansho  ld suntanaan.
suntasho  eeg sunto.
suntid  eeg sumad².
sunto  Wax summad u yeelasho.
suqayar  (suqayar, m.dh) Inan yar oo doonyaha ka adeega oo aan weli noqon baxri.
suqdi  Dhar midab leh oo qaali ah oo badanaa dumarku qaato.
suqul  Habaas; firo.
sur1  Luqun; qoor. sur2  Malabka dhurduhu sameeyo. sur3  1. Wax siddo leh meel ka soo laalaadin. 2. Isa s.: laba shay siddooyinkooda is dhexgelin. surad  Geed faalala oo xooluhu daaqaan waxna lagu daaweeyo.
surad-rare  Xarig dheer oo saan ka samaysan oo wax lagu raro.
suran  1. Wax meel laga lulay ahaansho. 2. Isa s.: laba shay wax siddooyinkooda lays dhexgeliyey ahaansho.
surasho  eeg suro.
surayo  Weelasha miyiga laga isticmaalo, inta siddada leh oo meel la suran karo.
surbac  Ul yar nafley ku tumid.
surbacaad1  Rafaad; dhibaato. surbacaad2  Rafaad la kulmid. surbacaadid  eeg surbacaad².
surbacad  ld surbacasho.
surbacasho  eeg surbaco. ld surba-cad.
surbaco  Cid wax ka sirasho.
surbicid  eeg surbac.
surbiyaan  Bariis karsan oo dhir midabbo leh lagu daray.
surfiyo  ld sufriye.
page : 110 of 118
<< < 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 > >>