Ereyga Maanta: qawadid
yaacid  eeg yaac.
yaacin  eeg yaaci. ld yaacis.
yaacis  ld yaacin.
yaacsan  Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.
yaacsanaan  eeg yaacsan. ld yaacsanaansho.
yaacsanaansho  ld yaacsanaan.
yaadaddo  (c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo.
yaahuu  Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tus. “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.
yaallin  eeg Oollin.
yaambo  ld yaanbo.
yaanbo  1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.
yaanyo  (bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
yaanyuur  basho; bisad; dinnad; dummad; mukulaal;
yaaq  (bot.) Geed dheer oo aad iyo aad u sal iyo jirrid iyo dhex weyn: mayraxdiisa waxaa laga sameeyaa xargo iyo waxyaalo kale; mirihiisu waxay leeyihiin qaabka qulucda, buruq la cunana waa leeyihiin.
yaaqil  Shilin yar oo markaa ugaxnimadii ka soo baxday.
yaaquud  Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
yaar1  ld jaar(2). yaar2  Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin. yaardi  Halbeeg dhererka lagu cabbiro oo habka ingiriiska ah oo u dhigma 0.914 mitir (Meter).
yaare  1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.
yaarid  eeg yaar².
yaasiinmaddoone  eeg Marsoobax.
yaaw  Leber laba loo dhigay middood.
yabaal1  1. Dhirta magoolkeeda. 2. ld yabaalid. yabaal2  Magoolid (geed). yabaalid  eeg yabaal². ld yabaal¹ (2).
yabaaq  ld yabaq¹.
yabadhaalo  Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.
yabaq1  Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. yabaq2  Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq².
page : 1574 of 1584
<< < 1569 1570 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 > >>