Ereyga Maanta: sargadayn
yalanyalxood  eeg yalanyalxoo.
yalax  Y. ah: timo aad u jilicsan. ld ya-leex (2).
yaleex  1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.
Yallah  hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
yamaan  Qamaan.
yamaarug  (bot.) Geed yar oo gaxandhada u eg.
yamays  (bot.) Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fogyahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.
yamxeeri  Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.
yamxeerin  eeg yamxeeri. ld yamxeero.
yamxeero  ld yamxeerin.
yamyam  1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.
yaqfo  Ilko.
yaqiin  War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
yaqiinsasho  eeg yaqiinso. ld yaqiinsi.
yaqiinsi  ld yaqiinsasho.
yaqiinso  War iwm dhabnimadiisa hubsasho.
yaqyaqsasho  eeg yaqyaqso. ld yaqyaqsi, yaqyaqsood.
yaqyaqsi  ld yaqyaqsasho.
yaqyaqsii  Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.
yaqyaqsiin  eeg yaqyaqsii.
yaqyaqso  Qof yaqyaqsi dareemid. ld yaqyaqsoo.
yaqyaqsoo  ld yaqyaqso.
yaqyaqsood  ld yaqyaqsasho.
yar1  Wiil da' yar. yar2  Gabar da'yar. yar3  1. Wax da'diisu yartahay ahaansho. 2. Wax tiradoo-da ama cabbirkoodu uusan badnayn ahaan-sho. yaraan1  Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys. yaraan2  eeg yar³. ld yaraansho. yaraansho  eeg yarow. ld yaraan².
yarad  Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.
page : 1577 of 1584
<< < 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 > >>