Ereyga Maanta: sargadayn
yad2  1. Cid ama wax gacan wax ku yeelid. 2. Gacan wax ku dhigid. 3. ld yad 2. U y.: cid wax siin. 4. Ku y.: cid gacan wax ku yeelid. yadan  Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
yadid  eeg yad².
yagcar  (bot.) Geedka mayddiga dhalo.
yagleel1  ld yagleelid. yagleel2  1. Xero ama deyr si ku meel gaar ah u samayn. 2. Labo qof oo is guursanaaya guri u dhisid. yagleelid  eeg yagleel². ld yagleel¹.
yah  Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.
yahaabur  Y. ah: qof lixaad weyn.
yahaaburnimo  Yahaabur ahaansho.
yahan  1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
yakayn  eeg yakee.
yake  1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.
yakee  Cid ganaax weyn saarid.
yakeysan  Qof yakoobay ahaansho.
yakeysanaan  eeg yakeysan. ld yakeysa-naansho.
yakeysanaansho  ld yakeysanaan.
yakoobid  eeg yakow.
yakow  Qof xujoobid.
yal  Dabayl qabow oo roobku keeno.
yalaalug  Lallabo. ld yalaalugo.
yalaalugo  ld yalaalug.
yalaalugoo  Qof yalaalugo dareemid.
yalaalugood  eeg yalaalugoo.
yalaalugsan  Qof yalaalugo hayso ahaansho.
yalaalugsanaan  eeg yalaalugsan. ld yalaalugsanaansho.
yalaalugsanaansho  ld yalaalugsanaan.
yalalaxo  ld yalanyalxo.
yalanyalxo  Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.
yalanyalxoo  Dhaxan yar dareemid cabsi awgeed.
page : 1576 of 1584
<< < 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 > >>