Ereyga Maanta: sargadayn
yabar  Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
yabarayn  eeg yabaree.
yabaree  Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).
yabaro  Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
yablas1  Qaylo badan. yablas2  Qaylo badan samayn. yablasid  eeg yablas².
yabooh1  1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid. yabooh2  1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin. yaboohi  1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
yaboohid  eeg yabooh². ld yabooh¹ (2).
yaboohin  eeg yaboohi. ld yaboohis.
yaboohis  ld yaboohin.
yaboohsad  ld yaboohsasho.
yaboohsasho  eeg yaboohso. ld yabooh-sad, yaboohsi.
yaboohsi  ld yaboohsasho.
yaboohso  Qof cayr ah cid baryid.
yabqid  eeg yabaq². ld jabqid.
yac1  Sagaarada teeda dheddig. yac2  Ka joog! Daa! yacarun  ld carun.
yacay1  Geedo yaryar iwm oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol. yacay2  Guri yacay dhigid. yacayan  Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
yacayid  eeg yacay².
yacaynaan  eeg yacayan. ld yacaynaan-sho.
yacaynaansho  ld yacaynaan.
yacni  Waxaa loola jeedaa.
yacyacood  1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
yad1  1. Awood gacan lagu fuliyo. 2. Mulkile. 3. Gacan. ld yed¹.
page : 1575 of 1584
<< < 1570 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 > >>