Ereyga Maanta: gadaalabbar
fakiirnaansho  ld faqdiirnaan.
fakin  eeg faki. ld fikin.
fako  1. Si xoog leh u ordid. 2. Wax gacmo ka farabaxsasho. 3. Meel ama wax ka baxsasho. 4. Halis ka badbaadid. ld fiko.
fal1  1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid. fal2  (nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”. fal3  1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin. falaad1  1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan. falaad2  Hawl aan ujeeddo laga lahayn oo waqtiga lagu luminayo qabasho. falaadid  eeg falaad².
falaadxumaan  eeg falaadxun. ld falaadxumaansho, falaadxumo.
falaadxumaansho  ld falaadxumaan.
falaadxumo  1. Dhaqan xumo. 2. ld falaadxumaan.
falaadxun  Wax dhaqan xun ahaansho.
falaaji  Dhoobo, dambas iwm walaaqid.
falaaliso  ld fulaaliso.
falaanfal1  Sixir. ld falaanful¹. falaanfal2  Cid sixrid. ld falaanful². falaanfalan  Wax falaanfal lagu sameyay ahaansho. ld falaanfulan.
falaanfalax  ld falanfalxo.
falaanfalid  eeg falaanfal². ld falaanfulid.
falaanfallow  ld falanfallow.
falaanfalnaan  eeg falaanfalan. ld falaanfalnaansho, falaanfulnaan, falaan-fulnaansho.
falaanfalnaansho  ld falaanfalnaan.
falaanfalxo  ld falanfalxo.
falaanful1  ld falaanfal¹. falaanful2  ld falaanfal². falaanfulan  ld falaanfalan.
falaanfulid  ld falaanfalid.
falaanfullow  ld falanfallow.
falaanfulnaan  ld falaanfalnaan.
page : 14 of 73
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>