Ereyga Maanta: sargadayn
gaatamid  eeg gaatan². ld gaatan¹ (2).
gaatan1  1. Socod dhukis ah oo wax lagu gaadayo (nafley). 2. ld gaatamid. gaatan2  Dhukin iyada oo wax la gaadayo. gaatir  1.Haragga oogada oo adkaada, siiba kan sacabbada iyo cagaha. 2. Harag qolof adag noqday oo shafka, goroflegedka iyo cagaha geelu ku yeesho. 3. Geed-nagaaraad oo yar. ld gaatur.
gaatiroobid  eeg gaatirow. ld gaaturoobid.
gaatirow  Gaatir noqosho. ld gaaturow.
gaatur  ld gaatir.
gaaturoobid  ld gaatiroobid.
gaaturow  ld gaatirow.
gaawe  Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
gaaweeto  Weel yar, macdan ah, dheg leh oo ciidanku wax ku shubto.
gaax  1. Caano isgaaray oo candho xoolaad ku baaqday. 2. Wixii waqtigii la soo saari jirey aan la soo saarin ee la urursho oo dib loo dhigo oo dhan.
gaaxasho  eeg gaaxo.
gaaxi  Candho xoolaad caano ku baajin.
gaaxin  eeg gaaxi.
gaaxo  Candho xoolaad caano ku baaqasho.
gaaxsad  ld gaaxsasho.
gaaxsan  Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
gaaxsanaan  eeg gaaxsan. ld gaaxsanaansho.
gaaxsanaansho  ld gaaxsanaan.
gaaxsasho  eeg gaaxso. ld gaaxsad, gaaxsi.
gaaxsi  ld gaaxsasho.
gaaxso  Candho xoolaad caano ku baajisasho.
gaayimad  Waraaqo yaryar oo gadaal isaga dheggan oo wax lagu qoro; nootbuug.
gab1  Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹. gab2  1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb². gabaabsad  ld gabaabsasho.
gabaabsasho  eeg gabaabso. ld gabaabsad, gabaabsi.
gabaabsi  ld gabaabsasho.
gabaabso  Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho.
page : 9 of 102
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>