Ereyga Maanta: jaw
jalledan2  ld jalla-dan². jalleec1  ld dhalleex¹. jalleec2  Wax dhinac u eegid. ld dhalleex². jalleeci  Wax janjeerin. ld dhalleeci.
jalleecid  eeg jalleec². ld dhalleexid.
jalleecin  eeg jalleeci. ld dhalleexin, jalleecis.
jalleecis  ld jalleecin.
jalleeco  Daymo dhinac la eego. ld dhalleexid.
jalleecsad  ld jalleecsasho.
jalleecsan  Wax la jalleeciyay ahaansho.
jalleecsanaan  eeg jalleecsan. ld jalleecsanaansho.
jalleecsanaansho  ld jalleecsanaan.
jalleecsasho  ld dhalleexsasho, jalleecsad, jallecsi.
jalleecsi  ld dhalleexsasho, jalleecsasho.
jalleecso  Weel iwm qof dhinaciisa u janjeersasho. ld dhalleexso.
jalo  Ilmo nafaqa xumo darteed la caatoobid.
jaloof  (bot.) Qolofta sare, adag ee digirta, lowska iwm leeyihiin oo iniinuhu ku dhexjiraan.
jalow  Miraha digirta oo geedka ku qallalay.
jalwi  1. Miro digir, lows iwm qallajin. 2. Gabay ku luuqayn. 3. Tusbax ku werdiyid.
jalwid  eeg jalaw².
jalwin  eeg jalwi. ld jalwis.
jalwis  ld jalwin.
jalxad  Weel dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto; Ashuun; Mardabaan.
jamaad  Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
jamaahiir  Wadar dad ah.
jamaal  Qurux.
jamaamuur  Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. ld qamaamuur.
jamac  1. Dad badan oo salaad wada tukanaya. 2. Wadar.
jamal  Nafley xoog iyo cayil ka muuqdo.
jamasho  eeg jamo.
page : 14 of 53
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>