Ereyga Maanta: nadalo
qaaddanaan  eeg qaaddan. ld qaaddanaansho.
qaaddanaansho  ld qaaddanaan.
qaaddi  ld qaalli.
qaaddicid  eeg qaaddac.
qaaddiro  Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.
qaaddo  1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
qaadid  eeg qaad². ld qaad¹ (4), qaadis.
qaadis  ld qaadid.
qaado  1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
qaadqaad1  Tuug aan weynayn. qaadqaad2  Ku q.: cid nabarro si degdeg ah oo aan kala go' lahayn ugu dhufasho. qaadqaadid  eeg qaadqaad.
qaadqamax  Qof qaadka aad u cuna.
qaadsii  1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.
qaadsiin  eeg qaadsii. ld qaadsiis.
qaadsiis  ld qaadsiin.
qaadwale  Qof ka ganacsada qaadka.
qaaf  Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.
qaafee  ld qaafi.
qaafeyn  ld qaafin.
qaafi  1. Is macnayn. 2. Qof aan dhegeysanin iska yeelid. ld qaafee.
qaafil  1. Q. ah: qof aan si sahlan wax lagu dhacsiin karin. 2. Xog ogaal la'aan. 3. Qof maskaxdiisu meqantahay, maahsan.
qaafilo  Awr badan oo safar ah.
qaafiri  Baaquli.
qaafiyad  ld qaafiyo.
qaafiyo  Xarafka ay ku socoto maansada. ld qaafiyad.
qaafo  1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.
qaajabbeel1  Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa. ld gaajabbeel¹. qaajabbeel2  Xoogxaraash ahaansho. ld gaajabbeel². qaajabbeelid  ld gaajabbeelid.
page : 3 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>