Ereyga Maanta: tefiir
qaaqan  Fariisasho dab agtiisa si loogu diirsado.
qaaqle  1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
qaaqlee  Hadal aan macno lahayn sheegid.
qaaqleyn  eeg qaaqlee.
qaar1  1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg. qaar2  1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld qaaraami  1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. ld qaraami.
qaaraamid  eeg qaaraan².
qaaraan1  Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo. qaaraan2  U q.: xoolo dad badan ka ururin si qof u baahan loo siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah loogu fuliyo. qaarad  Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.
qaarayn  eeg qaaree.
qaarbuuco  ld qaarbuuxo.
qaarbuuxo  Weynaanta qaarka sare qof u weynyahay. ld qaarbuuco.
qaardheere  Dhicis xoolaad oo nool.
qaare  ld qaar².
qaare qaar3  Ubax, caleen iwm dhadid. qaaree  Nafley ul weyn ku garaacid.
qaarid  eeg qaar³. ld qaaris.
qaaris  ld qaarid.
qaarjeex  Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
qaarood  Deyd.
qaarqaad1  Dhinaca oo dhulka la dhigi waayo xanuun awgi; xaraarug. qaarqaad2  Xanuun awgii dhinaca dhulka dhigi waayid; xaraarugid. qaarqaadid  eeg qaarqaad².
qaarqaaqan  Q. ah: geed aan hoos badan lahayn.
qaarri  Mindi, masaar, toorray iwm oo afbeeshay soofayn.
qaarrin  eeg qaarri. ld qaarris.
qaarris  ld qaarrin.
qaarsan  Wax qaaray ahaansho.
page : 7 of 86
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>