Ereyga Maanta: jaw
rabrableyn  eeg rabrablee.
rabshad  ld rabash¹.
rabshadayn  ld rabshayn.
rabshadee   ld rabash².
rabshayn  eeg rabshee. ld rabshadayn, rabshid.
rabshaysan   Nafley rabsho la kulantay ahaansho.
rabshaysnaan  eeg rabshaysan. ld rabshaysnaansho.
rabshaysnaansho  ld rabshaysnaan.
rabshee   ld ra-bash².
rabshi  Xaarka shimbiraha oo beeraha lagu bacrimiyo.
rabshid  eeg rabash².
rabsho  ld rabash¹.
rabshoobid  eeg rabshow.
rabshow   Wax rabsho la kulmay noqosho (nafley).
rac  Kooxo nafley ah oo si nidaam leh isu dabajooga middood.
racayn1  Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan. racayn2  Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r'walxood laga xushay urur 'n'kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455. racfaan  ld rafcaan.
racrac  Koox koox.
racracayn  eeg racracee.
racracee   Nafley racrac u qeybin.
rad   1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid.
radaq   ld raqad.
raddi   1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
raddigal  Col kayd ah oo marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan.
raddin  eeg raddi. ld raddiyid.
raddiyid  ld raddin.
radeeb1  1. R. ah: mindi, waran iwm oo aan af wax gooya lahayn. 2. radeebid. radeeb2   1. Mindi, waran iwm wax la radeebay noqosho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay noqosho. radeeban   1. Mindi, waran iwm wax la radeebay ahaansho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay ahaansho.
page : 10 of 40
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>