Ereyga Maanta: nadalo
cuskad  ld cuskasho.
cuskan  Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
cuskanaan  eeg cuskan. ld cuskanaansho.
cuskanaansho  ld cuskanaan.
cuskasho  eeg cusko. ld cuskad.
cuski  Wax, wax kale ku tiirin.
cuskin  eeg cuski.
cusko  1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.
cuskug1  1. Fadhi gacmaha la laabto oo aan waxba la qaban. 2. ld cuskugid. cuskug2  Meel, hawl la'aan fadhiyid. cuskugid  eeg cuskug². ld cuskug¹ (2).
cuslaan  eeg culus. ld culays, cuslaansho.
cuslaansho  eeg cuslow. ld cuslaan.
cuslayn  eeg cuslee.
cuslaysasho  eeg cuslayso.
cuslayso  Hawl, arrin iwm wax culus oo dhib leh ka dhigasho.
cuslee  1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.
cuslow  1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho.
cusub  1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.
cutad  Harag ama saan isku jactadsan.
cuti1  ld cutush. cuti2  ld cuddi. cutin  ld cuddin.
cutis  ld cuddin.
cutub  ld cuntub.
cutush  Qof tabar dhigay da'awgeed. ld cuti¹, xutush.
cuud1  1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood. cuud2  Ciyaar cuud dheelid. cuudi  1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.
cuudid  eeg cuud².
page : 94 of 95
<< < 89 90 91 92 93 94 95 >