Ereyga Maanta: saddex-madaxle
fowriirid  ld fowliilid.
fud   Kuus ciid ah oo is haysta.
fud-barafeed  (fiis.) Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.
fudayd  1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. ld fududaan. Firfircooni.
fudaydi   ld fududee.
fudaydin  ld fududayn.
fudaydsad  ld fududaysasho.
fudaydsasho  ld fududaysasho.
fudaydsi  ld fududaysasho.
fudaydso   ld fududayso.
fudfudayd  ld fududaan.
fudfudud   ld fudud.
fudud   1. Wax aan cuslayn ahaansho. 2. Wax sahlan ahaansho. 3. Wax fadaq ah ahaansho. 4. Wax firfircoon ahaansho. ld fudfudud.
fududaan  eeg fudud. ld fudayd, fudfudayd, fududaansho.
fududaansho  eeg fududow. ld fududaan.
fududayn  eeg fududee. ld fudaydin.
fududaysad  ld fududaysasho.
fududaysasho  eeg fududayso. ld fudaydsad, fudaydsasho, fudaydsi, fududaysad.
fududaysi  ld fududaysasho.
fududayso   1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. ld fudaydso.
fududee   1. Wax fudayd ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid. ld fudaydi.
fududow   1. Wax fudayd noqosho. 2. Wax sahal noqosho. 3. Qof fadaq noqosho. 4. Qof wax firfircoon noqosho.
fudul   Bur, ciid, sokor iwm ah oo is haysta.
fuf1  Dhir la jaray ama la daaqay fiidda ka soo baxda iyadoo aan roob ku di'in. fuf2   Dhir la jaray ama la daaqay iyadoo aan roob ku di'in fiid bixin. fufid  eeg fuf².
fujaan   Weel yar oo dheg leh oo sida badan dhoob ka samaysan oo dareeraha lagu shubto. ld fijaan.
fujaas1  ld fajaas¹. fujaas2   ld fajaas². fujaasid  ld fajaasid.
page : 66 of 73
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>