Ereyga Maanta: sibirayn
fuji   1. Wax meel ku dheggan rujin. 2. Dharbaaxo f.: qof dhabanaanayn.
fujin  eeg fuji.
fujisasho  ld fuqsasho.
fujiso   ld fuqso.
fujo  1. Ijaar la siiyo cid lagula heshiiyey hawl fulinteedu muddo soconayso. 2. ld fajo.
ful   1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.
fulaaliso   (dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. ld falaaliso.
fulabbaji   Falal cid lagu cabsigelinayo samayn.
fulabbajin  eeg fulabbaji. ld fulab-bajis.
fulabbajis  ld fulabbajin.
fulannimo  ld fuleynnimo.
fule  ld fuley.
fuley   Qof cabsi badan.
fuleynnimo  Fuley ahaansho.
fulful  Raar geeddigu kala fogyahay oo aan marriin lahayn.
fuli   1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin.
fulid  eeg ful.
fulin  eeg fuli.
fuliye   Qof hawl ama arrin hirgeliya.
fullaac1   Cad yar oo ka soo dillaacay shay uu ka mid ahaa (qori). fullaac2   Cad yar sida qori iwm shay uu ka mid ahaa ka soo dillaacid. fullaaci   Wax, wax uu ka mid ahaa ka dillaacin.
fullaacid  eeg fullaac².
fullaacin  eeg fullaaci.
fullaacsad  ld fullaacsasho.
fullaacsan   Wax la fullaaciyey ahaansho.
fullaacsanaan  eeg fullaacsan. ld fullaacsanaansho.
fullaacsanaansho  ld fullaacsanaan.
fullaacsasho  eeg fullaacso. ld fullaacsad, fullaacsi.
fullaacsi  ld fullaacsasho.
page : 67 of 73
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>