Ereyga Maanta: hiilley
huluuqan  Dhar si debacsan oo kala fog-fog loo tolay ahaansho.
huluuqid  eeg huluuq². ld huluuq¹ (2).
huluuqnaan  eeg huluuqan. ld huluuqnaansho.
huluuqnaansho  ld huluuqnaan.
humasho  eeg humo.
humbaalle  1. Qaab orod ama socod ah oo qof wax cabsiinaya sameeyo. 2. ld humbaalleyn.
humbaallee  Hum-baalle samayn.
humbaalleyn  eeg humbaallee. ld humbaalle (2).
humbul1  1. (u) Geed isku cufan oo hoos wanaagsan iyo miro macaan iwm. 2. H. ah: wax isku cufan. humbul2  Wax, wax ku hilid. humbulan  Wax qaab humbul ah leh ahaansho.
humbulid  eeg humbul².
humbulnaan  eeg humbulan. ld humbulnaansho.
humbulnaansho  ld humbulnaan.
humbuluuluq1  Meel oogada ka mid ah oo gubatay dabadeed biyo gashatay. ld hambalaalaq¹ (2). humbuluuluq2  Meel gubatay biyo gashasho. ld hambalaalaq². humbuluuluqid  eeg humbuluuluq². ld hambalaalaqid.
humbuqo  Laalaabka tolmada xumi maryaha u yeesho; canyayuub.
humburuq  Nooc qoolleyda ka mid ah oo yaryar.
humhumasho  eeg humhumo.
humhumo  Maro duug ah toltolasho.
humid  eeg hun².
hummaag  Muuqaal aan si fiican loo arag.
hummaagsad  ld hummaagsasho.
hummaagsasho  eeg hummaagso. ld hummaagsad, hummaagsi.
hummaagsi  ld hummaagsasho.
hummaagso  Wax aan si fiican u muuqan eegid.
hummaaji  Wax cid u baacin si loo cabsi geliyo.
hummaajin  eeg hummaaji. ld hummaajis.
hummajis  ld hummajin.
page : 86 of 93
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>