Ereyga Maanta: tefiir
humo  Maro duug ah tolasho.
hun1  Maro aad duug u ah. hun2  Maro duug ah tolid. hundho  Gobaha qoriga ka samaysan.
hundhur1  Madax foorarinta qof madaxa hoos u foorariyo murugo ama ciil dartiis. hundhur2  Qof madaxa hoos u foorarin ciil ama murugo dartiis. hundhurid  eeg hundhur².
hundhursad  ld hundhursasho.
hundhursan  Wax hundhura ahaansho (qof).
hundhursanaan  eeg hundhursan. ld hundhursanaansho.
hundhursanaansho  ld hundhur-sanaan.
hundhursasho  eeg hundhurso. ld hundhursad, hundhursi.
hundhursi  ld hundhursasho.
hundhurso  Ciil murugo darteed madaxa hoos u foorarin (qof).
hundo  Dhul carrasan ah, hawd ahayn, leh bannaanno, kuro, togag, biyaqabatinno, iwm.
hundud  Cid hoos u foorarid. ld rundud.
hundudid  eeg hundud. ld rundudid.
hunfey  Nooc shimbiraha ka mid ah oo hilibka iwm dafta; dafo.
hungee  Cid hungo badid.
hungeyn  eeg hungee.
hungid  ld hongid.
hungo  1. Meel aan waxba oollayn. 2. ld hingo¹.
hungod  ld hongod.
hungoobid  eeg hungow.
hungow  Cid wax seegid.
hunguri1  1. (-iyo, m.dh) Dhuunta afka, sanka iyo caloosha nafleyda isu haysa oo cuntadu marto. 2. ld hunguri-cad. 2. Cun-to. hunguri2  (c.nafl.) Qaybta dheefmareenka ee u dhaxayso dalqada iyo caloosha. Waa dhuun muruqaysan oo shaqadeedu tahay inay cuntada u gudbiso caloosha. Habka isku soo ururka ee ay cuntada u gudbisana waxa loo yaqaan dubaaxis. 2. ld hungiri-cad. hunguricad1  1. Xubin dhuunta ka mid ah oo neeftu marto. 2. ld hunguri. hunguricad2  (c.nafl.) Dhuun haweedka lafdhabarleyda neefta qaadataa: waa dhuun hawada ka soo qaadda hunguri cadka una gudbisa farac hunguri cadka, waxa adkeeya maraaryo qaybo ah oo carjaw ka samaysan. hungurijuqjuq  Rabitaan dheeraad ah oo cid ku dhaliya in ay cuntada sugi weydo.
page : 87 of 93
<< < 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 > >>