Ereyga Maanta: sibirayn
hadeysnaansho  ld hadeysnaan.
hadfid  eeg hadaf³. ld hadaf¹.
hadhaaseera  Dumarka xadrada saarka Booranaha ugu sarreeya ama heerka labaad kaga jira.
hadhiin  Afarta haad ee turubka mid ka mid ah.
hadhiino  1. Qof dhaxalkii uu lahaa la seejijay. 2. Qof wax qabadkiisu aad u yaryahay.
hadhow  Had dhow, goor aan fogeyn oo soo socota. ld hadhowto.
hadhowto  ld hadhow.
hadi  Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.
hadid  eeg had³.
hadiid  1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.
hadiidid  eeg hadiid.
hadimee  Cid hadimo gaarsiin.
hadimeyn  eeg hadimee.
hadimo  Dhibaato weyn oo khiyaamo ku jirto.
hadiyad  Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
hadiyee  Qof dhintay quraan u akhrin.
hadli  Ka h.: hadalsii.
hadlid  eeg hadal².
hadlin  eeg hadli.
hado  1. Geeri. 2. ld hadaayad.
hadoodil1  1. Balbalo. 2. Dedidda meel dusha sare laga dedo si har loogu yeelo. 3. ld hadoodilid. hadoodil2  Wax har u yeelid. hadoodilan  Wax dusha laga dedey si har loogu yeelo ahaansho. ld hadoodillan.
hadoodilid  eeg hadoodil². ld hadoodil¹ (3).
hadoodillan  ld hadoodilan.
hadoodillanaan  ld hadoodilnaan.
hadoodillanaansho  ld hadoodilnaan.
hadoodilnaan  eeg hadoodilan. ld hadoodillanaan, hadoodillanaansho, hadoodilnaansho.
hadoodilnaansho  ld hadoodilnaan.
hadoof  Hadal aan waxba ka jirin.
page : 12 of 93
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>