Ereyga Maanta: nadalo
idlaysasho  eeg idlayso.
idlayso  1. Wax dhammaantood isticmaalid. 2. Wax inta ugu dambeysa isticmaalid.
idlee  Wax dhammeyn.
idman  Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).
idmanaan  eeg idman. ld idma-naansho.
idmanaansho  ld idmanaan.
idmid  eeg idan².
ido  Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.
idolojiyo  Aragti siyaasadeed.
if1  1. Kaah walxaha uu hayo suurta geliya in ay ishu aragto. 2. Adduunyo. if2  Kaah indhuhu wax ka arki karaan bixin. if-qorraxeed  (ifaf ..., m.l) (fiis.) Iftiinka toos uga yimaadda qorraxda, kaasoo suurtageliya in la arko waxyaalaha dhulka oogadiisa ah. Wuxuu ka koobanyahay qeybta kaah cadceedeedka ee leh dherer mowjadeedka ee u dhexeeya kuwa cas iyo iftiinka casuusta.
ifafaale  Dhacdooyin iyo tilmaamo muuqda oo tusaale u ah wax soo socda.
ifbax1  Muuqasho. ifbax2  1. Soo i.: wax bidhaantooda muuqasho. 2. Soo i.: wax caan ah noqosho. ifbixid  eeg ifbax².
ifbixin  eeg ifbixid.
ifi  1. Wax iftiin ku qabasho. 2. Raadraac yar arrin iwm ka bixin. ld iftiimi.
ifid  eeg if².
ifin  eeg ifi. ld ifis, iftiimin, iftiimis.
ifis  ld ifin.
ifiso  1. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo, birbiriso. 2. Xabbad iftiin bixisa oo habeenkii cadowga lagu yoolbaaro.
ifraac  (baay.) Koridda organno ka mid ah geedka ay koraan iyagoo u jawaabayo ilayska. Xiddo haweedyadu waxay sida badan u koraan dhinaca ilayska iyada oo xididdo haweedyaduna ay u baxaan dhinaca ku liddiga ah ilayska.
ifsasho  eeg ifso.
ifso  Meel ama wax iftiin u yeelasho.
iftiimi  ld ifi.
iftiimid  eeg iftiin².
iftiimin  ld ifin.
iftiimis  ld ifin.
iftiin1  1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
page : 5 of 43
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>