Ereyga Maanta: nadalo
iillanaan  eeg iillan. ld iillannaansho.
iillanaansho  ld iillanaan.
iilo  (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.
iimaan  1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (-nno, m.dh) Ugaas, Islaan.
iimaandarro  Qanaaco la'aanta. ld iimaanxumo.
iimaansad  ld iimaansasho.
iimaansasho  eeg iimaanso. ld iimaansad, iimaansi.
iimaansi  ld iimaansasho.
iimaanso  Wax yar ku raali noqosho.
iimaanxumo  ld iimaandarro.
iimaanyoog  I. ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.
iimayn  eeg iimee.
iimaysan  Wax iin leh ahaansho (nafley).
iimaysnaan  eeg iimaysan. ld iimaysnaansho.
iimaysnaansho  ld iimaysnaan.
iimee  Wax iin u yeelid.
iimoobid  eeg iimow.
iimow  Wax iin yeeshay noqosho.
iin  (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
iin-cufaad  (kiim.) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroon-nada.
ijaab  Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
ijaabid  eeg ijaab.
ijaabo  (dii.) Aqbalidda duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.
ijaar1  1. Lacag laga helo guri baabuur iwm oo kireysan, kiro. 2. I. ah: guri, baabuur iwm oo dadka isticmaalaya lacag laga qaado. ld ajuuro, ijaaro¹. ijaar2  Guri, baabuur, iwm cidda isticmaalaysa lacag si joogto ah uga qaadid. ijaaran  Wax cidi ijaaratay ahaansho (baabur, guri iwm)
ijaarasho  eeg ijaaro².
ijaarid  eeg ijaar².
ijaarnaan  eeg ijaaran. ld ijaarnaansho.
ijaarnaansho  ld ijaarnaan.
page : 8 of 43
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>