Ereyga Maanta: nadalo
il-adaygid  eeg il-adayg².
il-adkaan  eeg il-adag. ld il-adayg¹, il-adkaansho.
il-adkaansho  eeg ila-dkow. ld il-adkaan.
il-adkow  Wax dhiirran oo aan gabbasho aqoon noqosho (qof).
il-kulul1  Il laga cabsado leh. il-kulul2  (jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago. ilaa  I. ama i. iyo inta: jeer laga gaaro; laga bilaabo; tan iyo. Tus. “I. (ama i. iyo intaa) aan soo noqonayo halkaan joog”.
Ilaah  (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.
ilaahcaabud  (dii.) I. ah: qof Ilaah ka baqa oo cibaado badan. ld allacaabud.
ilaahcaabudid  (dii.) Camalsan oo Ilaah cabsidiisa loo sameeyo. ld allacaabudid.
ilaahnimo  (dii.) Ilaah ahaansho.
ilaahrumaysad  ld ilaahrumaysasho.
ilaahrumaysasho  ilaahrumayso. ld ilaahrumaysad, ilaahrumaysi.
ilaahrumaysi  ld ilaahrumaysasho.
ilaahrumayso  (stay, -satay) (dii.) Ilaah rumayn.
ilaal1  Askar degmooyinka, waagi hore laga qori jirey oo madaxda degmooyinka la shaqeyn jirey mid ka mid ah. ilaal2  Ilmo dhashay neef loogu ducaynayo u qalid. ilaalee  Wax indha-indheyn.
ilaaleyn  eeg ilaalee.
ilaaleysad  ld ilaaleysasho.
ilaaleysasho  eeg ilaaleyso. ld ilaaleysad, ilaaleysi.
ilaaleysi  ld ilaaleysasho.
ilaaleyso  Wax beylah ah meelo ka eegasho.
ilaali  1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid.
ilaalid  eeg ilaal².
ilaalin  eeg ilaali.
ilaalo  Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
ilaaq1  ld cilaaq¹. ilaaq2  ld cilaaq². ilaaqad  Dalool yar.
page : 10 of 43
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>