Ereyga Maanta: bedertami
suryee  Xarig suryo u yeelid.
suryo  1. Wadiiqo yar oo ciriiri ah. 2. Qaab loo qoolo xargaha oo leh siriq isku roorta oo xoolaha toojada ah lagu qabto.
susumid  eeg sunsumid.
susun1  Tax tiro ah oo midba kan ka horreeya ka badantahay ama ka yartahay tirooyin isla eg. susun2  ld sunsun. susun aritmatig  (xis.) Sunsun faraqa u dhexeya tibix kasta iyo tan ka horreysa uu yahay madoorsoome. Faraqa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa faraqa ay wadagaan. Jidka lagu helo tibixda n-aad ee sunsun aritmatig waa: an = a1 + (n-l)d, taas oo a1 ay tahay tibixda kowaad ee sunsunta, d-na tahay faraqa.
susun joometeri  (xis.) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, a-na tibixda koowaad.
suti  1. Jilib dhigidda wax layska daafacayo loo jilib dhigo. 2. (-iyo, m.l) Gaashaan.
suubaan1  Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn. suubaan2  1. Dhul bannaan oo ciid guduudan oo carro san ah leh oo caws ka baxo. 2. Nooc qorratada ka mid ah oo ku nool dhulalka cadduunka ah. 3. Miraha goosayga iwm oo bisil marka ay wax yar dharaan. suubaan marawaxadeed  (jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.
suubaansalaax  Cid sasabid. ld suubasalaax.
suubaansalaaxid  eeg suubaansalaax. ld suubasalaaxid.
suubasalaax  ld suubaan-salaax.
suubasalaaxid  ld suubaansalaaxid.
suubban  Wax wanaagsan ahaansho.
suubbanaan  eeg suubban. ld suubba-naansho.
suubbanaansho  ld suubbanaan.
suubbane  Magacyada Soomaalidu Nabi Maxamed (N.K.H.A.) u taqaan mid kamid ah.
suubbi  1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin.
suubbin  eeg suubbi. ld suubbis.
suubbis  1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. ld suubbin.
suubsan  1. Wax samay-san ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaan-sho.
suubsanaan  eeg suubsan. ld suub-sanaansho.
suubsanaansho  ld suubsanaan.
suubsasho  eeg suubso.
suubso  1. Wax hagaagsasho. 2. Wax samaysasho.
suud  1. Wasaq badanaa isugu jirta maduul iyo dufan oo dharka iyo jirka dadku yeeshaan. 2. Naqa ugu horreeya ee roob soo saaro.
suudi  Kul aad u badan oo qorraxeed.
suuf  1. Geedgaab ka mid ah dalagga lagu beero dhulalka kulul oo ubax cad iyo miro kulkulucsan oo marka ay bislaadaan dillaaca leh oo uu ka soo baxo walax cad oo dharka laga sameeyo. 2. Duf cad oo geedka suufku dhalo oo dharka laga sameeyo. 3. Dhogorta idaha iwm oo dharka iyo gogosha qaarkeed laga sameeyo.
page : 112 of 118
<< < 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 > >>