Ereyga Maanta: tefiir
surgoo  Cid nabar xoog leh surka kaga dhifasho.
surgooyo  Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.
surgoyn  eeg surgoo.
surid  eeg sur³.
surin  Marin ciriiriyon ama yer. ld surmo (3), surun.
surmaseegtayn  ld sarmaseegtayn.
surmaseegtee  ld sarmaseegtee.
surmaseegto  ld sarmaseegto.
surmayn  eeg surmee.
surmee  1. Daro gelin. 2. Cid guureysa dhul hawd ah waddo uga samayn.
surmi  Harraad aad u badan.
surmo  1. Qaab awrta qooqani u dagallamaan oo ah luqun isku marid iyo qaniinyo; daro. 2. (-ooyin, ml.) Dhiil yar oo caanaha lagu shubto. 3. ld surin.
surnaan  eeg suran. ld surnaansho.
surnaansho  ld surnaan.
suro  Wax meel ka soo laalaadsasho.
surow  Nooc cayaaraha ka mid ah oo jiib iyo jaan leh oo dumarku cayaaraan.
surqo  Lo'dhaadheer, aan caal lahayn, oo caano badan leh.
surrad  Alaabta guriga inta duubmi karta sida dermooyinka, rarada, kebdaha iwm.
surrad-sare  Xarig dheer, saan ka samaysan oo wax lagu raro.
surrucaad  Naxdin weyn oo lala argag-gaxo; qarraacan.
sursuur  Marin ciriiri ama halis ah.
suruciye  ld suruciyo.
suruciyo  Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. ld suruciye.
surun  ld surin.
surwaal  Dhar badanaa raggu qaato oo lugaha ilaa dhexda qariya; targal. ld surweel.
surweel  ld surwaal.
suryayn  eeg suryee.
suryaysan  Xarig, wax suryo loo yeelay ahaansho.
suryaysnaan  eeg suryaysan. ld suryaysnaansho.
suryaysnaansho  ld suryaysnaan.
page : 111 of 118
<< < 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 > >>