Ereyga Maanta: sargadayn
gaardiyid  eeg gaardi². ld gaardin, gaardis.
gaarhaye  Qof loo xilsaaray inuu ilaaliyo guri, xafiis iwm.
gaarheyn  Gaarhaye ahaansho.
gaari1  1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan. gaari2  Haweeney maamulka aqalkeeda iyo nadaafadda jirka aad u ilaalisa oo uga adag. gaarid  eeg gaar³. ld gaarniin.
gaariddameer  Qalab oogo fidsan, laba shaag wax lagu rarto, oo dameer, baqal iwm jiidaan.
gaarifaras  Gaadiid rakaab fuula oo faras jiida.
gaarigacan  Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. ld gaarigacmeed.
gaarigacmeed  ld gaarigacan.
gaarinnimo  Gaari ahaansho.
gaariwale  Nin gaaridameer, gaarifaras iwm ku shaqeeya.
gaarniin  ld gaarid.
gaaroodi1  Dhul didib ah, bannaan oo ay ka baxaan dhir dhaadheer oo teelteel ah iyo dixin. gaaroodi2  Xubin bararan wax kulul ku kubbayn. gaaroodin  eeg gaaroodi².
gaarrax  Ilmo dacdarro iyo arrad ka muuqdaan.
gaarsii  1. Ammaano meel loo rabo geyn. 2. Cid meel geyn. 3. Wax, cid si habboon ugu qaybin.
gaarsiin  eeg gaarsii. ld gaarsiis.
gaarsiis  ld gaarsiin.
gaas  1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.
gaasabbax1  1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. ld gaasabbixid. gaasabbax2  Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin. gaasabbixi  Dhibaato iyo rafaad jiilaal keenay cid ka samatabixin.
gaasabbixid  eeg gaasabbax². ld gaasabbax¹ (2).
gaasabbixin  eeg gasabbixi.
gaashaaman  1. Wax hubkii uu isku difaaci lahaa u dhanyahay ahaansho. 2. Wax dahaar adag oo aan hub fudud kari karin leh ahaansho.
gaashaamasho  eeg gaashaamo.
gaashaambuur  Dad dhawr qolo ah oo ciidamada isku darsaday oo xooggooda mideeyay.
gaashaambuuraysad  ld gaashaam- buuraysasho.
page : 7 of 102
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>