Ereyga Maanta: nadalo
habee  H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid.
habeed  Raadka kaadida geelu lugihiisa dambe ku reebto.
habeedi  Isku h.: geel kaadi isku daadin.
habeedin  eeg habeedi. ld habeedis.
habeedis  ld habeedin.
habeen  Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. ld hameen.
habeen firfircoone  Noolayaasha firfircoon habeenkii; xayawaanka noocan ahi wuxuu cuntadiisa raadsadaa habeenkii.
habeenbar  Bartamaha habeenka.
habeendhax  1. Safar habeen lagu dhaxo. 2. Gunno yar oo la siiyo qof shaqo meel u aaday.
habeeniso  eeg habeeno.
habeenkahar  Hooska ay yeeshaan walxuhu subaxnimada hore.
habeennimo  Waqti habeen ah.
habeeno  Iin araggu yeesho oo si fiican habeenkii aan wax loo arag. ld habeeniso.
habhab  1. Socod ama orod gaabis ah oo culays ku jiro. 2. Fudfudayd si aan laga fiirsan hawl loo qabto.
habhablee  Habhab u socosho.
habhableh  Qof habhablaya ahaansho.
habhableyn  eeg habhablee.
habheeb  Meel aan cidi degganayn oo halis ah.
habi  Caqli, maan.
habid  eeg hab4.
habiiraq1  Socod aayar ah oo si joogto ah hoore u socdo. habiiraq2  Hoore si aayar ah oo joogto ah u socosho. habiiraqid  eeg habiiraq².
habila'aan  Caqli yari, nacasnimo.
habilaawe  Qof aan caqli badan lahayn.
habjaq1  Socod cagajiid ah. ld habjaqle. habjaq2  Socod cagajiid ah socosho. habjaqid  eeg habjaq².
habjaqle  ld habjaq¹.
habjaqlee  Si habjaq ah u socosho.
page : 8 of 93
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>