Ereyga Maanta: saddex-madaxle
sadarreys  ld sadarreyn.
sadax  1. Wax docdooda fidsantahay oo kore. 2. ld sagxad. Baabuur, markab iwm meesha sare ee alaabta la dhigo.
sadcaal1  ld socdaal¹. sadcaal2  ld socdaal². sadcaalid  ld socdaalid.
saddamid  eeg saddan.
saddan  Wax galiilyo hayso noqosho.
saddaqayn  ld sadaqayn.
saddaqays  ld sadaqayn.
saddaqayso  ld sadaqayso.
saddaqee  ld sada-qee.
saddaqo  ld sadaqo.
saddaysan  Wax siddo loo yeelay ahaansho.
saddex  Tirada labada iyo afarta u dhexeysa; “3”.
saddex-jibbaarane  (xis.) Shaxan adke ah oo leh lix weji oo labajibbaareneyaal ah. Mugga saddexjib-baarane dhererka dhinaciisu yahay l waa l3.
saddex-madaxle  (c.nafl.) Muruq saddex madax leh, gaar ahaan saddexsuullaha cududda oo ku yaal cududda xaggeeda dambe wuxuuna fidiyaa dhudhunka.
saddex-xagal  Shaxan saddex gees leh.
saddex-xagal dhinacyo isle'eg  (xis.) Saddex-xagal leh saddex dhinac oo isle'eg iyo xagal kasta oo ka mid ah xaglihiisuna cabbirkeedu dhanyahay 60°.
saddex-xagal isma le'eke  (xis.) Saddex-xagalka dhammaan dhinacyadiisa iyo xaglihiisuba aan isle'ekeen.
saddex-xagal labaale  (xis.) Saddex-xagal leh laba dhinac oo isle'eq iyo laba xaglood oo isleeq.
saddex-xagalley  (xis.) Dariiqo sahamin ah oo la dhisayo shabaq saddex-xagallo ah, oo suurto geliya in lagu sawiro khariidad toobograafiyeed qiyaas weyn leh.
saddexaad  Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma saddexda.
saddexan1  1. Nafley dheddig iyo labadeeda cunug oo wada jira. 2. Koox ka kooban saddex cunsur. saddexan2  Dheddig wax laba ilmood leh ahaansho. saddexanyo  1. Nooc cawska ka mid ah. 2. Hub laba waran iyo gaashaan ka kooban.
saddexdhudood  Maro weyn, cad oo haweenka reer miyigu xir-taan; saddexqayd.
saddexeeye  1. Laba wiil oo isku hooyo iyo aabbe ah, wiil saddexaad oo waalidkood dhalay oo ku soo kordha. 2. Arrin, dood iwm oo laba qof isku hayaan qof aan loo baahnayn oo soo dhex gala siina fidneeya.
saddexeysad  ld saddexeysasho.
saddexeysasho  eeg saddexeyso. ld saddexeysad, saddexeysi.
saddexeysi  ld saddexeysasho.
page : 13 of 118
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>