Ereyga Maanta: fullaacsan
waayo2  Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”. waayo3  1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay? waayo-arag  ld waaya-arag.
waayo-aragnimo  Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
waayo-waayo  Waayo kale geddisan oo la soo maray.
wab1  Saabley; feero; uur; wadne. wab2  Wabar, ugaas. wabar  1. Nin qolo ama tol madax u ah. 2. Mid quman, wanaagsan, suuban.
wabas  Nin gaaban oo bar yar.
wabax1  Biyo ka dhergidda (xoolo). wabax2  Xoolo biyo ka dhergid. ld wabaxso. wabaxguul  W. ah: xoolo wabax ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.
wabaxsan  Wax wabxay ahaansho (xoolo).
wabaxsanaan  eeg wabaxsan. ld wabaxsanaansho.
wabaxsanaansho  ld wabaxsanaan.
wabaxsasho  eeg wabaxso. ld wabxib.
wabaxso  Xoolo biyo badan siisasho.
wabaxtaraar  Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.
wabxi  Xoolo biyo ka dhergin.
wabxid  eeg wabax². ld wabaxsasho.
wabxin  eeg wabxi.
wac1  Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro. wac2  1. Cid u yeerid. 2. Isu w.: cid meel ku uruurin. wacaal  Wax jira; war; xog. Tus. “War iyo w. midna uma hayo”.
wacaari  Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.
wacad  Ballan adag oo la galo.
wacadfur1  Wacad la dhigtay oo la jabsho. wacadfur2  Ku w.: ballan adag oo la galay ka bixid. wacadfurid  eeg wacadfur². ld wacadfuryo.
wacadfuryo  ld wacadfurid.
page : 7 of 40
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>