Ereyga Maanta: nadalo
qabeyn  ld qubeyn.
qabeys  ld qubeys.
qabeysasho  ld qubeysasho.
qabeyso  ld qubeyso.
qabid  eeg qab³.
qabiil  Dad dhalasho wada sheegta. ld qabiilo.
qabiili  1. Qof qabyaaladda aad u daneeya oo ku dhaqma. 2. Qof qabiil tiro badan ka dhashay.
qabiilo  ld qabiil.
qabiix  1. Q. ah: hadal ama fal aad u fool xun. 2. Q. ah: qof xun.
qabil  1. Harag aan megdeysnayn. 2. Har, derbaal iwm adag oo laga galo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm.
qablamid  eeg qablan². ld qablan¹ (2).
qablan1  1. Hadal ama shanqar weyn oo culus; bulaan; hugun. 2. ld qablamid. qablan2  Hadal ama shanqar weyn sameyn. qablax  ld qabalax.
qablaxsan  ld qabalaxsan.
qablaxsanaan  ld qabalaxsanaan.
qablaxsanaansho  ld qabalaxsanaan.
qabno  Hanti.
qabo1  1. (bot.) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan. qabo2  1. (f.g) Wax gacan ku dhigid. 2. (f.g) Dhul, dad iwm hub ku hanasho. 3. (f.g) Cid fal xun ku kici lahayd ka celin. 4. (f.g) Shaqo fulin. 5. (f.g) Meel aadid. 6. (f.mg) Is q.: arrin iwm oo lagu kici lahaa ka harid. 7. (f.mg) Laba qof ama ka badan iska hor imaasho. 8. (f.mg) Is q.: laf jabtay xiriirsamid. qaboobaan  eeg qabow³. ld qaboobaansho.
qaboobaansho  eeg qaboobow. ld qaboobaan.
qaboobe  Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
qaboobid  eeg qabow².
qaboobow  Wax qaboobay noqosho.
qabooji  1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.
qaboojin  eeg qabooji.
qaboojisasho  ld qaboojiso.
qaboojiso  Wax, wax qabow ka dhigasho.
qaboojiye  Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
page : 11 of 86
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>