Ereyga Maanta: hiilley
daar2  1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd. daarad  1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
daaran1  1. Wax la shiday noqosho (dab); wax la ifay noqosho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday noqosho (raadiyo, telefishan iwm). daaran2  1. Wax la shiday ahaansho (dab); wax la ifay ahaansho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday ahaansho (raadiyo, telefishan iwm). daarasho  eeg daaro.
daardaar1  ld daardaarid. daardaar2  1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi. daardaarasho  eeg daardaaro.
daardaarid  eeg daardaar². ld daardaar¹.
daardaaro  Cid gardarro kula kicid.
daardhuuq  Dheef ama waxtar kale oo yar oon la ogeyn oo qof haysta.
daari  Xiddig xiddigaha ka mid ah.
daarid  eeg daar². ld daaris.
daaris  ld daarid.
daarmid  eeg daaran¹.
daarnaan  eeg daaran². ld daarnaansho.
daarnaansho  eeg daarnow. ld daarnaansho.
daarnow  Wax daaran noqosho.
daaro  1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho.
daaruqayn  eeg daaruqee. ld daaruqays.
daaruqays  ld daaruqayn.
daaruqaysan  Wax caallirsan ahaansho (boog).
daaruqaysnaan  eeg daaruqaysan. ld daaruqaysnaansho.
daaruqaysnaansho  ld daaruqaysnaan.
daaruqe  Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
daaruqee  Boog dixri ku dhalin (diqsi).
daaruqoobid  eeg daaruqow.
daaruqow  Wax caalliray noqosho (boog).
daas  1. Guri. 2. Dukaan.
daasad  Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iwm ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
page : 10 of 218
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>